Latest News

Ciidamada Badda Puntland oo gacanta kusoo dhigay tahriibayaal.

Tahriibayaasha lasoo qabtay oo tiradoodu saraakiisha ku sheegay 106 ayaa doonayay in ay u tahriibaan dalka Yemen, waxaana ay saarnaayeen dooni yar.

tahriibayaal-2

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye ayaa Saxaafadda u sheegay in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan kuwii wax tahriibinayay, waxaana uu intaas ku daray in howlgalada lagula dagaalamayo tahriibka sii socon doono.tahriibayaal

Sanad walba, kumananaan tahriibayaal Afrikaan iyo Soomaali ayaa naftooda ku biimeeya Badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen, iyagoo hadafkoodu tahay in ay sameystaan nolol ka wanaagsan kii ay uga soo hayaameen dalalkoodi.

Ma ahaan markii ugu horeysay lasoo qabto dad doonayay in ay ka tahriibaan xeebaha gobolka Bari oo kusii jeeda dalka Yemen.

Dowladda Puntland ayaa hore wacad ku martay in ay la dagaalami doonto tahriibka oo mamnuuc ka ah xeerarka caalamiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>