Latest News

Agaasimaha PMPF oo kormeeray saldhigyada waa wayn ee ciidamada badda Puntland

Agaasimaha guud ee ciidamada badda Puntland ee PMPF Cabdinaasir Biixi Soofe iyo madax kale oo ka tirsan dowladda ayaa maalmahan booqasho ku maray gobolka xeebta ah ee Guardafu.

Wefdiga ayaa u kuur gelaya shaqada ciidamada badda ee PMPF.

Biixi

Agaasime Cabdinaasir Biixi oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in socdaalkoodu meel wanaagsan marayo, isla markaasna ay aad ugu kuur gelayaan xaaladaha badda ka jira sida jiriifka iyo wixii la mid ah.

Agaasimaha oo dhowaan xilka loo magcaabay ayaa kormeeraya saldhigyada ugu waa wayn ee PMPF, kuwaas oo uu ku jiro fadhiga degmada Baargaal ee gobolka Guardafu.

62 qof oo u dhashay Yeman iyo afar doonyood oo ay wateen oo si sharci daro  kaluumaysi u waday ayaa ciidamadu qabteen toddobaadkii hore, kuwaas oo haatan loo gudbiyey xabsiyo ku yaala Boosaaso si sharciga loola tiigsado.

tan iyo markii Madaxwayne Gaas u magacaabey Agaasimaha guud ee ciidamada badda Puntland ee PMPF Cabdinaasir Biixi Soofe

ayay ciidamadu qaadeen talaabooyin faro badan oo lagu diirsan karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>