Latest News

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Dalka Soomaaliya oo booqasho ku yimi Puntland

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland soo gaaray wefti balaaran oo uu hogaaminayo Safiirka Imaaradka Carabta u fadhiya Dalka Soomaaliya mudane. Mohamed Al-Cutmani, weftigaas oo markii ay soo gaareen magaalada Garoowe loo gelbiyey qasriga madaxtooyada ee Puntland,

waxaa gegida diyaarahada ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland , saraakil katirsan madaxtooyada Puntland iyo Agaasimaha Guud ee PMPF C/naasir Biixi Sofe.

Kadib markii ay soo gaareen qasriga madaxtooyada ayaa safiirka iyo wafdiga la socday waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dawlada Puntland  Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, halkaasi oo kullan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Dawladda Puntland safiirka dawlada Emaardka carabta ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka dawlada Emaaraadka ayaa kulankoodii kadib waxaa ay si wada jir ah uqabteen war murtiyeed ay kaga waramayaan waxyaabihii ay kawada hadleen.

” Waxaa farxad weyn noo ah in maanta uu noo yimaado safiirka dawladda imaaraadka u fadhiya soomaaliya Ambassador Mohamed Al-Cutmani iyo saaxibadiis oo noogu yimi in aanu ka wada hadalno xiriirka Puntland iyo imaaraadka iyo fulinta mashaariic badan oo Puntland laga hirgelinayo”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ambassador Mohamed Al-Cutmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loogu sameeyay Puntland, isagoona sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan Puntland uga fulinayaan mashaariic horumarineed oo ay sanadkan cusub ee 2015 ugu talagaleen Puntland.

Xiriirka saaxiibtinimo ee hada u dhaxeeya Dawladdaha Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayaa hada waxaa uu maraya meeshii ugu saraysay, waxaana arrintaasi si weyn uga shaqeeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u heelan horumarinta Puntland.

IMG_0076 IMG_0080 IMG_0083 IMG_0093 IMG_0104 IMG_0106 IMG_0152 IMG_0163 IMG_01101

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>