Latest News

Sawiro|Madaxwaynaha Puntland oo Booqday Ciidamada PMPF ee ka qaybqaatay Dagaaladii sifayta Alshabaab

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo uu wehinayey Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 22-March-2016 waxa ay booqoshaqo dhiirri gelin iyo bogaadin xambaarsan ku tegeen xerda PMPF oo ay degganyihiin ciidamada aan gabbashada lahayn ee soo afjaray dagaalladii ay kula jireen kooxihii sharwadayaasha Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxay booqasho ugu ku tagay  xarada Ciidanka ilaalada Badda Puntland (Puntland Marine Police Forces PMPF) oo kaalin weyn kulahaa dagaalkii lagaga sifaynayey deegaano xeebeedyada Puntland kooxihii sharwadayaasha al-shabaab, kuwaas oo  bad iyo berriba ka garaacay sharwadayaasha iyagoo adeegsanayey doonyaha dheereeya ee ciidanka iyo gawaadhida gaashaaman.

Saraakiishii hoggaaminaysey Ciidamadaas  ayaa  ka war-bixiyey guulihii ay ka soo hooyeen  dagaalka iyo qaababkii ay uga hawl gelayeen dhulka oo isugu jirey dhul xeebeed iyo dhul buuro ah waxaanay  ballan qaadeen in ay cagta marin doonaan cidkasta oo kusoo xad gudubta xeebaha Puntland oo ah Xeebaha ugu dheer Soomaaliya.

 

Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ciidamada Badda Puntland waxaa uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal aan sida loo gabbado aqoon, sidoo kalena ay ku ammaanan yihiin guulaha wax ku’oolka ah ee ay usoo hooyeen dalkooda, dadkooda, diintooda iyo dawladdoodaba, isla markaana ay dawladda Puntland la garab taagnaantooda dhiirri gelin, tayaynta qalabkooda iyo dar-dargelinta tababarro dheeraad ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadoodaba.

PMPF SUUJ10 PMPF SUUJ9 PMPF SUUJ8 PMPF SUUJ7 PMPF SUUJ4 PMPF SUUJ3 PMPF SUUJ2 PMPF SUUJ9

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>