Latest News

Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Booqday Xarunta Ciidanka Badda Puntland ee Bosaso

Madaxwaynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Kormeer shaqo kuyimi Xarunta  Ciidanka Ilaalada Badda Puntland PMPF  Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri.

Cutubyo katirsan Ciidanka Badda Puntland ayuu Madaxwayne Gaas kaga qaatay Gudaha Xarunta Salaan sharaf ay ku soo dhawaynayeen.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Faarax Qare iyo Agaasmihaa Guud ee Ciidanka Badda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo Saraakil sare oo katirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa siweyn iyana u soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dawlada Puntland.

Madaxwayne Gaas mudadii uu ku sugna gudaha xarunta waxa uu kulamo kula qaatay Masuuliyiinta ugu sareeya Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ,waxana kamid ahaa masuuliyiintaas madaxa mashaariicd ee PMPF Mr.Xuseen iyo saraakil kale.

Madaxwayne Gaas ayaa ku amaaney Ciidanka iyo saraakiishoodaba howsha Qaran ay u hayyaan daalkooda wuxuuna ku dhiiri galiyey iny mar walba u taagnaadaan difaaca dalkooda.

Waa Markii saddexaad oo uu Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu Kormeer ku yimaado saldhiga Ciidanka Badda Puntland PMPF.

IMG_8844 IMG_8843 IMG_8836 IMG_8846 IMG_8857 IMG_8998 IMG_9023 IMG_9028

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>