News

Latest Posts

Hawlgalkii PMPF & PSF

Cutubyo ka tirsan Ciidamada PMPF oo ay weheliyaan ciidanka PSF ayaa hawlgallo ka fuliyey Togagga Marajiifle, Gaaca iyo deegaamo kale oo kuteedsan togaggaasi. Waxay ciidanku sii wadeen hawlgalkooda, iyagoo lug ku maraya Buuraha iyo Togagga raadkoodu kasii nool yahay. Sidoo kale ciidanka ayaa ka hawlgalay Buuraha iyo Togagga deegaanka Laag.

Xafladii Xiritaanka dufcadii 10'aad

Madaxweyne Deni oo Dufcaddii 10-aad ee Ciidamada PMPF u soo Xiray Tababar. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Ciidamada tababarka loosoo xiray oo lasoo laylinayey muddo 5 bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 10-aad ee ka baxda Xerada Tababarka Ciidamada Badda Puntland ee dhacda duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso.

Hawlgalkii Xasilinta Boosaaso

Ciidamada Ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyey magaalada Boosaaso. Yoolkii hawlgalka ayaa lagu guulaystay, waxaana ay ciidamadu sii wadidoonaan waajibaadkooda shaqo ee ay ugu khidmaynayaan shacabkooda iyo dalkooda, Isla'markaana ay ku gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Ololaha qurxinta Xeebaha Puntland

Ciidanka Badda Puntland PMPF oo ka jawaabaya cabashada bulshada reer Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso ayaa ka nadiifiyey xeebta magaalada qashin buuxdhaafiyey. Ciidanka Badda Puntland iyo saraakiishooda ayaa muddo laba cisho ah ka shaqaynaayey goobtani oo u dhexaysa Hotel Gacayte iyo Dekedda Boosaaso, taasi oo wakhti dheer lagu daabulaayey qashin, waxaana maanta lagu guulaystay in ay dib usoo laabato bilicdii xeebtu.